Waxaan u arkaa guul bilowgeed mar haday dhalinyaro matalaysa qarankii Somaliyeed ey kaqeyqaateen cup noocaan oo kale ah. Ma aha wax lalayaabo guuldarada qaranka somaliyeed. sababtoo ah wadamo aad ugu horeeya kubada cagta baa 8 iyo 0 looga badiyaa. Dad badan waxay aminsanyihiin guuldarada soonoqnoqota e Qaranka in ay salka kuhayso habka loomaareeyay loona sooxulay ciyaar yahanada. waxayna kudoodayaan in uu musuqmaasuq badani hareeyay gudiga qaranka kubada cagta somaliyeed. waxaan usoojeedinaya gudiga in xirfada ciyaartooyda lahorumariyo, gobolada somalia oo dhan lagasoo xulo ciyaar yahano tayo leh maadaama magaca somaliya laguciyaarayo laga sobilaabo, Hargaysa,Borama, Las anood, Garowe,Qardo,Galkaio, Dhusamareb, Baladweyne. Jawhal, Mogadisho, Baydabo, Kismayo, iyo kuwo kaleba, aysan noqon ciyaartow hal magaalo laga soo qaatay oo magac qaran huwan. qarankana u horseeda magac xumo joogto.
Friday, April 22, 2016
Thursday, April 7, 2016
Xiriirka Diplomaciyadeed e Somaliya iyo Ethopia
Diplomaciyadu, wa hab lagumaamulo xiriir dibadeed oo ka dhexeeya labo wadan laiskuna dhaafsado safiiro iyo xogag wada shaqeeneed, had iyo jeer diplomasiyadu waa shaashad laga dheehankaro calaaqaad kadhxeeya labo wadan laguna odorisi karo hadba heer ka uu joogo. intaas waxaa dheer habdhaqanka diplomasiyada waxay kusaleesantahay dowlad walba siday udhaqanto in loola dhaqmo micnaheeduna waa “Saxan saxan kugud, saan saan kugud”.Hadaba waa sidee calaaqadka diplomaciyadeed e dowlada Ethiopia iyo dowlad Somalia? qaanuuniyan laguma timaami karo xiriir diplomaciyadeed kan kadhexeeya Ethiopia iyo Somalia, waayo iskuma dhiili tirna danaha ay kalaleeyihiin labada dowladood, tusaale ahaan wadana waa wadan burbursana mudo nus qarni ah, wadana waa wadan awood ciidan iyo mid dhaqaalo ba leh.sidaa darteed Ethopia waxay aminsantahay danaha ay kaleedahay dalka inaysan cidna marti uugu noqon, halka madaxda somalidu badankood danaha ay kaleeyihiin dalkooda ay u daba fadhiistaan Ethiopia. Taas ayaa waxay sababtay in ay Ethiopia jabiso qawaaninta diplomaciyadeed ayna u so magacawdo lix safiir oo generallo iyo Brigader isugu jira dalka Somalia, halka somaliyana ay soo dirsatay hal safiir. safiiradaasu waxay kalayihiin sidatan,
Brigadier General Berhe Tesfaye safiirka Ethiopia ufadhiya Somaliland.
General Abraham Alemu safiirka Ethiopia ufadhiya Puntland.
General Gebresalasia safiirka Ethiopia u fadhiya Gobolada dhexe.
General Gabremedin Fikedu safiirka Ethiopia u fadhiya Koonfurta galbeed.
General Taferi (madaxii hore ee sirdoonka ee kililka amxaarada) safiirka Ethiopia u fadhiya Jubbaland.
iyo General Gabra oo ah wakiilka IGAD ufadhiya somalia.
Sikastaba ha ahaatee, Aqoonyahan dhiga cilmiga geopolitics jaamacada Addis ababa University college of social science ayaa ku dooday in Somalia markii horeba ay kamid ahayd Ethiopia, hadana ay ku rajo weyn yihiin maalin un in ay soomaaliya dib uugu soolaabandoonto gacanta dowlada federaalka ah ee Ethiopia.
Ugu danbayntii, dowlada Ethiopia waxay uula dhaqantaa dowlada somalida si meel aan dowladi kajirin oo kale heer kaasna waxaa gaarsiiyay madaxda somalida oo u kala dhuunta Ethiopia, markay kalafikir noqdaana uyeerta Tedros iyo Gerbre.
Tuesday, April 5, 2016
Siyaasada laguma barto fadhi ku dirir ee wa culuum labarto!
Soomaaliya waxay kadhutinayso waa dhinaca siyaasada taasoo had iyo jeer abuurta kala duwanaansho fikradeed oo ay raysal wasaarayaal badan xilkoodi kuwaayen. sedexda tiir ee u waaweyn culuum ta siyaasadu waa dulqaad(tolerance), tanasul (compromise) iyo mabda (Ideology) siiba mabda qaabeeya nidaam siyaasadeed. sedexdaas xaaladoodna madaxda soomaalidu uma bisla badan kood. Inta badan Siyaasiyiinta Somalidu malaha aqoon hoose oo ku saleesan cilmiga siyaasada marka laga reebo Omar Abdirashiid oo heysta shahaadada 2aad ee cilmiga siyaasada, kana soo baxay Carleton University oo kutaal Ottawa Canada. Ahaana diplomat iyo siyaasi lagasoobilaabo 2009, soona noqday ambassodor ka Somalia ufadhiya U.S 2014, doorashada madaxtinimada 2016, Somalia waxay ubaahantahay siyaasi khibrad iyo oqoonba u leh cilmiga siyaasada, lehna dulqaad iyo tanaasul iskuna so duumi kara umada kalahaajirtay, aaminsana mabaadii dalka lagu horumarinkaro.
Sunday, April 3, 2016
‘Siyaasadu malaha saxiib ama cadow joogto ah e waxay leedahay dan joogto ah’ dad badan waxaa amakaag iyo filanwaa kunoqtay sida fudud uu Gaas ubadalay aftidii dadweynaha iyo mowqifkii waxgaradka iyo siyaasiyiinta dal udug. Gaas shalay oraahdiisa waxaa kamid ahaa, Shacabkii way hadleen NO 4.5, hadii Banki Moon lakeeno NO 4.5. Nasiib daro inta anan Mr Moon laislagaarin Tedros Adhanom oo ah Wasiirka Arimaha Dibada Eithopia ayaaba kalatuuray arinkiiba. Gaasna si fudud ayuu u yiri YES 4.5 asagoona qiimeeynin culayska iyo xadiga ay leedahay diidmadii shacabka e 4.5. Taasu waxay u muuqata Gaas in uu isku sameeyay waxa afka qalaad laguyiraahdo Political Suicide/isdaldal siyaasadeed. Shacabkana uu dhexdhigay Political crises/Jahwareer siyaasadeed. Sikastaba ha ahaate, Siyaasiga dhabta ah waa kan leh humaag argtiyeed oo fog saadaalikarana meesha hayaan ka loo yahay, qiimeen karana xaaladaha deriska la ah e kuheeraarsan, falcelina kasameenkara. Sifooyinkaas oo dhan wxaa hubaal ah in uusan wada buuxin Madaxweyne Gaas.
Subscribe to:
Posts (Atom)