Tuesday, May 23, 2017

Kudhaqanka Federalka
Shaki kuma jiro somaliya in ay kaguurtay nidaamkii dowlada dhexe (Central government) una guurtay nidaam ka federalka. federalku waa nidaam awood qeybsi oo kadhexeeya dowlada qaranka iyo dowlad goboleedyada. wuxuna leeyahay qeybo kaladuwan. Somalidu sharciyan way u aqbaleen kudhaqanka nidaamka federalka lakiin manajirto nooc ay isku waafaqanyihiin kudhaqankiisa. taasu waxay sababtay in dowlada qaranka iyo maamuladu kukala aragti duwanaadaan heshiisyada caalamiga, awood qeybsiga, iyo kheyraadka dalka. sikastaba ha ahaate dowladaha caalamka kuwa kudhaqma nidaamka federalka badi waxay isticmaalaan shantaan nooc mid kamida. Competitive Federalism, Cooperative Federalism, Dual Federalism,Permissive Federalism, Ethnic Federalism.
1) Federaalka tartan (Competitive Federalism), waa nidaam xukumada qaranka iyo dowlad goboleedyadu ay kutartamaan awoodaha, wax qabadka iyo masuuliyada.
2) Federalka iskaashiga (Cooperative Federalism), nidaamkan Xukumada qaranka iyo dowlad goboleedyada si siman bay u qeybsadaan awoodaha dalka iyo masuuliyadaba.
3) Federalka Mataanaha (Dual Federalism), waa aragti siyaasadeed taas o ay xukumadda qaranku leedahay awoodo cayiman, halka ay dowlad goboleedyadu leeyihiin awoodaha badankood.
4) Permissive Federalism, waa idaam ay dowlad goboleedyadu aysan lahayn awood, awoodaha oo dhan waxay gacanta uugu jirtaa dowlada qaranka.
5) Federaalka qowmiyadaha (Ethnic Federalism), waa nidaam ay awooda dalka iyo masuuliyada ay qeebsadaan Dowlada qaranka iyo degaan qowmiyadeed.

Ugu danbayntii federalku waa noocyo badan ayuu uqeybsama, wxaana laga doonaya dowlada qaranka iyo dowlad goboleedyada Somalidu in ay isku waafaqaan kudhaqanka nooca ku haboon dalka, si meesha looga saaro aragti kala duwanaanshaha siyaasadeed, dibna loo sooceliyo karaamadii iyo hanaanki dowlad nimo.

Sunday, May 7, 2017

Nin walboo Guulaysta Hawenay ba Kadanbaysa

Emmanuel Macron waa 39 jir kucusub saaxada siyasada dalka Fransiiska. Wuxuu bartay Cilmiga Falsafada (Philosophy) iyo Arimaha Bulshada (Public Affairs), Macron waxa u siyaasada kusoobiiray 2012 , xiligaas u madaxweynihii hore e Fransiiska Franรงois Hollande u magacaabay, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha. 2016 ayuu iskacasilay jagadaas si u uga tartamo kursiga Madaxweynaha dalka Fransiiska. isla sanadkaas wuxuu sameyay xisbsi siyaasadeed loo bixiyay Xisbiga dib ucusboonaynta siyaasada nolosha(Association for Renewal of Political Life ) xisbigaas oo buuxiyay shuruudihii lagarabay waxaana loo ogolaaday in uu u tartamo doorashada madaxtinimada dalka. Tartan dheer kadib Macron ayaa ku guuleestay codad gaaraya 65%, halka haweeneyda latartamasay Le Pen ay heshay 35%. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da yara ee soomara dalka Faransiiska, wuxuuna hoosta kaxariiqay hadaysan garabtaagnayn Marwadiisa Brigitte Trogneux in uusan gaarayn heerka maanta uu joogo.