Dhallinyaroy 24-saac (24 hours) waa qiyaas aadamigu ku heshiiyay oo lagu xisaabsado xilliyada maalin iyo habeenisku xiran. Hadiyad Eebe kuugu nicmeeyey midda ugu milgaha culus waa saacadahaas 24-ka ah ee hortaada yaal. Wax ka qiimi badan oo aad nolosha ku heli lahayd majiraan. Adiga ayaa iska leh, cid kaa qaadan karta ama kula qeybsan karta majirto. Cid kaa xoogi karta ama kaa xadi karta majirto. Qaabkii aad doonto ayaad u farsameysan, sidii aad doontona waad u masruufan. Aadamiga aad la nooshahay, kuma jiro qof saacadaha kaa badsan kara ama kaa yareysan kara. Calafkaaguna wuxuu ku jaan-go´an yahay sidii aad iyaga u naqshadeysato. Haddaba habeyso oo ka faa´iideyso intii aad yeeli karto iyo in kamid ah intii aadan yeeli karin, intii aad awooddo iyo in kamid ah intii aadan awoodin. Ogow inaan leyna siin nolol wanaagsan iyo nolol xun midkoodna, laakiin leyna siiyay 24 saac. Adigu kala dooro inaad 24-kaaga saac ka yeelato kuwo aad ku xaqiijiso hor u-markaaga ama aad ku xaqiijiso dib u-dhacaaga. Maalintu ha kugu xumaato ama ha kuu wanaagsanaato, ogow labaduba in ay yihiin 24 saac oo aanan midab gaar ah lahayn. Qof-walba isaga ayaa midab u yeesha saacadihiisa 24-ka ah. Weligaa haku nicin qof guuleystey guusha uu gaarey, waxaad ogaataa in 24-kiisii saac uu u adeegsaday qaab aadan adigu u adeegsan. Waddada oo kaa xumaata macnaheedu maahan goorta oo kugu yaraata. 24 saac walba oo ku soo mara wax qabo, adiga oo aanan eedeyn saacadaha. Dabadeed waxaad eegtaa sida ay noloshaadu isu beddesho. Farqiga u dhexeeya guusha iyo guuldarrida waxay tahay sida uu qofku u maareeyo 24-kiisa saac. Haka fekerin maxaa dhici kara maanta, haka fekerin maxaa dhacaya bishan iyo sanadkan. Ka feker in noloshaadu ay ka bilaabaneyso saacad kamid ah 24-ka saac ee aad dhex-joogto, isla-markaas ay ku dhamaaneyso saacad kamid ah 24-ka saac ee aad dhex-joogi doonto. Haddaad aragto qof wakhtigu ku xumaadey, isagu wuxuu xumeystey 24-kiisii saac. Sidoo kale haddaad aragto qof wakhtigu u wanaagsan yahay, isagu wuxuu wanaajistey 24-kiisii saac. Cadaaladda Eebe waxay ku aroortay in dhamaantaya aanu leenahay xubno isku-mid ah, innaga oo isla-markaas leynoo hibeeyey 24 saac oo is-le´eg. Laakiin waxaanu ku kala duwannahay sida aanu u fahamno adeegsiga saacadahaas hadiyadda ah. Haddii naftaadu ay damacdo in ay kuu sheegto in maalin xun ay jirto, u sheeg maalinta xun in ay tahay maalinta ku dhaaftay oo ayan ahayn maalinta aad joogto. 24 saac oo aanan eed lahayn waa 24 saac oo u baahan inaad dib uga fekerto. Aroor walba oo aad hurdada ka kacdo, macnaheedu wuxuu yahay hadiyad cusub ee aad heshey. Taasi waa saacadaha 24-ka ah oo mid waliba kuu sidda fursado aad ka faa´iideysato iyo calaf aad leedahay. Haddaadan ka faa´iideysan oo aadan calfan, ogow in dhinacyadaadu ay joogaan dad kula mid ah, kuwaas oo ka faa´iideysanaya oo calfanaya saacadaha ay heleen. Markaas adigu raadi jawaabta su´aasha ah, haddii dhamaantaya aanu heysanno 24 saac is-le´eg, maxay tahay sababta ay jahadu ugu gaabato qaarkaya. Si kasta oo jawaabtu ay noqoto, ogow in xataa gudcurka habeennimo uu tegayo 24 saac kasta, dabadeed ifka qoraxdu uu soo baxayo. Sidaa darteed haka quusan inaad u howl-gasho sidii aad ku guuleysan lahayd. Haddii ayan kuu suuragelin inaad guuleysato, ogow inaad heysatid 24 saac kale ee aad guuleysan-karto.
Qore: Dr. Saadiq Enowsaadiq.enow@gmail.com
No comments:
Post a Comment