Waxan canbaaraynaya Qaraxi lala beegsaday Gudoomiyeyaasha Gobolka Banadir. Ilahay naxariistii Jano ha kawaraabiyo intii kudhimatay, samir iyo iimaana ilahay ha ka siiyo eheladii ay katageen.
Thomas Stephen o ah bare dhiga Jaamacada Newyork cilmi nafsiga. Mar uu sharaxayay dabeecadaha iyo hab dhaqanka xayawaanka wuxuu yiri." The animal kingdom, the rule is, eat or be eaten." (Sharciga xayawaanku wa in xayawaanku wax cuno ama in isaga lacuno). Maalin walba dalka waxaa ladilaa hal doorka, aqoonyahanka, iyo shacab aan waxba galabsan. ka hordag, kadabo dag iyo isla xisaabtana lama sameeyo. Dowlada Dederalka awoodeedi waxy noqotay TACSIYEEN.. waxaa jooga Casimada Muqdisho ciidan kabadan 30kun oo askeri oo Amisona iyo tiro kaloo kabadan o cidankii dowlada ah. Madaxda dowladuna bil walba waxay xaflado u qabtaan askar tababar u dhamaaday, sidaa darteed amnigu waa ka sii xumaanaya. Ma is weediisay meesha ay wax kaqaldanyihiin??? Meesha wax ka qaldanyihin waa hogaan xumada madaxda Federalka. Boqorkii giriiga Alexander the Great, mar uu kahadlayay hogaanga wanaagsan (Good leadership) wuxuu yiri "Koox ido ah u hogaaminayo libaax waxay katayo badan yihiin kana xoog badanyihiin koox libaaxyo ah uu hogaaminayo Wan". Si kastaba ha ahaatee, Hogaanku waa tiir dhexaadka dowlada, wadan walba xiliga adag waxaa kasaara waa Hogaamiye leh aragti fog, garankara hayaanka dalka uu kujiro meeshuu kayimid iyo meeshu usocdo.
No comments:
Post a Comment