Saturday, November 30, 2019

Qaadashada Nidaamka Federalka
1980s, dalka waxa kasamaymay si xowli ah Jamhaddo hubaysan o an lahayn mabaadii siyaasadeed, kuna sumadaysna magac qabiil, lakiin badankood waxay isku waafaqsanayeen arigtita ah larido xukunki militariga aha.
1991, waxay kuguulayteen ujeedadi ay kumidaysnaayeen, hasa ahaate caqabad waxa kunoqotay in ay ku heshiiyaan labo qodob 1) State building (Sida dowlad loo dhisayo iyo nocay noqonayso) Central(Dowlad dhexe) mise Federal. iyo 2) Peace Building(sidii nabada lagu soo celinlahaa).
In kabadan 15 shir, o kala ah, shirkii Soodare, Itoobiya, Qaahira, iyo Jabuuti oo lagu dhexdhexaadinayay siyaasiinta, iyo hogamiyeyaashi Jamhadaas ay kudhamaadeen natiijo la,aan.
14sano kadib, burburki xukumadii Madaxweyne Siyaad waxaa lagu heshiiyay, state building(dowlad dhisid) o kusaleesan nidaamka federal ka, halka qodobkii kale e aha Peace Building(Nabad socelinta) aan weli lagu heshiin fulintiisa.
Nidaamka Federalka qaadashadiisa waxaa loo arkayay inuu yahay aalad lagu xalinkaro khilaafaadka, isla markaana yahay xalka keliye ee somalidu dib laiskugu keenikaro, dib danbana aysan usoo laaban tacadiyadii xukunkii militariga e awooda dalkoo dhan ay kujirtay gacanta shaqsiyaad, siday doonaana uugu takri falayay.
Hadaba, Federalku waa nidaam awoodaha dowlada loo qeybinayo labo heer, federal iyo maamul goboleed, awooda, fursadaha, mashaaricda horumarineed e dalkana loo daadejinayo shacabka.
Sikastaba ha ahaate, dowlad federalka e maanta jirta wa shayga keliya ay soomalidu heshiiska ku yihiin, Federalkuna waa sharciga dalka "The law of the land"
Hadaba, adiga aragti ahaan, nidaamka federalka see uaragtaa?

No comments:

Post a Comment