Waa kuwama Beesha Caalamku? Marar badan ayaad maqashaa eraygaan ayagoo isticmaalaya madaxda dalka, sida madaxweynaha, reesalwasaaraha, golaha barlamaanka, iyo siyaasiyiinta ba, sidoo kale waxa carabkoodu kubadanyahay kuna celcesha suxufiyiinta. Erey ahaan waan unaqaana beesha caalamka micnaheeda lakin sideenu ubadanahay manaqaano wadamada ay kakoobantahay Beesha Caalamku, imisa wadan ayaa kumidaysan daladaan, matahay mid caalamka oo dhan matasha, sida Qarmada Midoobay oo kale, maleedahay beeshu hogaan ladoorto, iyo kuwa kale oo badan.
Hadaba su,aalahaas oodhaan jawaabtoodu waa maya. Beesha caalamku waa fikir laga soo dhiraandhiriyay gumaystihii kagadaal dagaal kii labaad ee dunida. waana shaati ay had iyo jeer gashtaan wadamo daneeya arimaha wadan bur burbursan ama larabo in laburburiyo, si looga fushado danaha ay kaleeyihiin. Wadan walba oo shaatigaan kulabisani wuxuu leeyahay dano gaar ahaaneed oo iskugu jira mid dhaqaale (Economic), siyaasadeed (Politics), xeel tagaal (Military strategy) iyo kuwo kaleba, waxaa xaqiiq ah wadan walba in uu sheeda ka eeganayo arimihiisa gaar ahaaneed aanan dhag jalaq u siineen bur bur iyo baaba,a dilooday dalkaas, arinkuna tahay qowda maqadhi waxna ha uqaban.
Hadii aynu dib u milicsano soyaalka qarnigii tagay, beesha caalamku waa tii shantii Somaliweyn dhabarka kajabisay sadex kamidana ay ka jartay, sida Somali Ogaden o ay raacisay Eithopia, Gobolada Somaliyed oo dhaca xadka Keynya oo hada looyaqaa Gobolada jiida waqooyi ee Keynya ama NORTHERN FRONTIER DISTRICT (N.F.D) o ay ku dartay Kenya iyo Jabouti oo loo aqoonsaday dowlad madaxbanaan. Hadaba siyaasadaasu waxay katur jumaysaa oraahdii gumaysiga oo ahayd "qeybi oo xukun".
Dhagartaa ayadoo loo tirinayo bay beesha caalamku sibareera gacan ugageesatay burburkii dowladii kacaanka ayadoo u adeegsatay Jamhado gashan shaati qabiil, Halka wadanka somaliya deriska la ah ee itoobiya markay dowladii Mingiste mesha lagasaarey beesha caalamku is la garaabtaagtay hiil iyo hooba si qalalaasaha loodamiyo dibna loosoocesho kaladanbayntii dalka. islamarkaasna waxa loogu baaqaey Jamhadihii afgambiyay mamulkii mingeste in ay soodhisaan dowlad saami qeyb ah kuna saleesan Federalism. Halka ay somaliya dhexdhigtay dab ololaya una horseeday dagaalo wajiyo kala duwan leh oo aan dhamaad lahayn.
Intaas waxaa siidheer, hagardaamooyinkaasu waxa ay soo baaxa dabaashaanba waxaa lasoo gaaray 2012. Beesha caalamku waxay sameesay road map ama qariirad iyo dastuurka laisku waafaqsanyahay waxayna kubixisay malaayin dollar ka Mareenka ah, waxay kaloo aad u xoojiyeen in DF xildhibaanadeeda lagusoo xulo 4.5 doorashadii 2012, tan xigtana in ay xildhibaanadu kuyimaadan degaan iyo degmooyin,. Goloha sarena ee aqalka odayaashuna tiradoodu ay a haadaan 276 oo kakala imaanaya 92 degmo iyo 54 oo ah aqalka hoose oo looqeybinayo 18 kii gobol ee sagaashankii kahor dhisnaa, Beeshu waxay balanqaaday in dhamaan heshiisyadaas in ay kor kalasocon doonto fulintooda. waxaa dhacday in ay Beesha caalamku hormuud unoqoto burburisana nadaamkii iyo kaladambeentii dastuuriga aha e Somali du ku heshiisay ayaduna maalka fara badan ay ku bixisay, si aysan dalku godka uu kujiro aanan uuga soobixin.ileen horaa looyiriye bahal cayriinka madaayo besha caalamkuna dibindaabyo madayso,
Waxaa kalo xusid mudan in beeshu hortaagantahay dhisida cidamo isku dhaf ah oo Somaliyeed si dalka looga difaaco cadowga Alshabab, waxayna ka doorbiday malaayiin dollar in ay ku bixiyaan cidamada IGAD ZONE oo kusugan qeybo kmida Somaliya si anay u idlaan danahooda dalkuna gacantooda uugabixin, xaaladuna ay noqoto jug jug meeshaada joog, waxaa muuqada in aysan dhab ka aheen dagaal ka ay kula jiraan kooxda mayalka adag, sababtoo ah ciidamada igad waxaa laguu qiyaasaa 23 kun oo askari, askari walba mushaarkiisu waa $ 1200, halka ay ciidanka Al-shabaab lagu qiyaasay 6-7 kun oo askari oo layaqaan meesha ay daganyihiin, shidaalka iyo saanadanada ay kahelaan Hadii ay beesha caalamku dhab katahay labo maalin kuma qaadanayso in ay kusoo afjaraan dhalinyaradaas lasooqalday.
Ugudanbayntii, Somaliya cidina uma maqna ceelna uma qodna waxaa soojeedinaya in uu shacabku isku duubnaado kanadhiidhiyo hagardaamada iyo dibindaabyada Beesha Caalamka Wax loo dig iyo damleeyahayna waa iga iyo dalkooda.
Qore: Said A Noor
Email, saidamerica@gmail.com
Waa qotme cajiib aqoonyahan saciid cali nuur
ReplyDelete