Saturday, November 30, 2019

Qaadashada Nidaamka Federalka
1980s, dalka waxa kasamaymay si xowli ah Jamhaddo hubaysan o an lahayn mabaadii siyaasadeed, kuna sumadaysna magac qabiil, lakiin badankood waxay isku waafaqsanayeen arigtita ah larido xukunki militariga aha.
1991, waxay kuguulayteen ujeedadi ay kumidaysnaayeen, hasa ahaate caqabad waxa kunoqotay in ay ku heshiiyaan labo qodob 1) State building (Sida dowlad loo dhisayo iyo nocay noqonayso) Central(Dowlad dhexe) mise Federal. iyo 2) Peace Building(sidii nabada lagu soo celinlahaa).
In kabadan 15 shir, o kala ah, shirkii Soodare, Itoobiya, Qaahira, iyo Jabuuti oo lagu dhexdhexaadinayay siyaasiinta, iyo hogamiyeyaashi Jamhadaas ay kudhamaadeen natiijo la,aan.
14sano kadib, burburki xukumadii Madaxweyne Siyaad waxaa lagu heshiiyay, state building(dowlad dhisid) o kusaleesan nidaamka federal ka, halka qodobkii kale e aha Peace Building(Nabad socelinta) aan weli lagu heshiin fulintiisa.
Nidaamka Federalka qaadashadiisa waxaa loo arkayay inuu yahay aalad lagu xalinkaro khilaafaadka, isla markaana yahay xalka keliye ee somalidu dib laiskugu keenikaro, dib danbana aysan usoo laaban tacadiyadii xukunkii militariga e awooda dalkoo dhan ay kujirtay gacanta shaqsiyaad, siday doonaana uugu takri falayay.
Hadaba, Federalku waa nidaam awoodaha dowlada loo qeybinayo labo heer, federal iyo maamul goboleed, awooda, fursadaha, mashaaricda horumarineed e dalkana loo daadejinayo shacabka.
Sikastaba ha ahaate, dowlad federalka e maanta jirta wa shayga keliya ay soomalidu heshiiska ku yihiin, Federalkuna waa sharciga dalka "The law of the land"
Hadaba, adiga aragti ahaan, nidaamka federalka see uaragtaa?

Thursday, July 25, 2019

Democratiyada wa nidaam Dowladnimo, Dadweynuhu si xor ah waxay u doortaan Hogaan kooda, wayna laxisaab tamaan iyagoo isticmaalaya awoodooda cod bixinta taas o horseeda ka hortaga musuqmaasuqa, waxayna kobcisa kalsoonida shacabka iyo xukumadooda, Dowlad wanaaga, Amniga, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.
Abraham Lincoln oo ahaa madaxwenihi 16aad e Mareekanka mar uu ka hadlayay Democradiyada wuxu yiri "Dowlad shacab ah, shacabkuna ay doorteen hogaan keeda, Hogaakuna si wanaagsan u ugu adeego shacabka waligeed ma bur burto"
Hadaba Democratiyada lafdhabar waxa u ah nidaamka xisbiyada siyaasadeed, tartan xor ah iyo rabitaanka shacabka.
2015, wareesiga muqaalka ah ee hoose, Madaxwene Farmajo mar uu kahadlayay hirgelinta Nidaamka xisbiyada siyaasadeed wuxu ku ee deeyay Dowladi Hassan sheikh in ay kufashilmatay Dalka in ay gaar siiso "Qof iyo Cod"(One man one Vote). Hadaba suaasha hada taagan waxa weeye, Doorashada 2020 waxaa kaharsan sanad iyo xooga xisbiyo siyaasadeedna wali lama hirgelin, lamana filayo doorasho qof iyo cod in ay dhacdo.
Marka mala orankaraa Hogaanka dalku waa ku fashilmay Dalka in u gaarsiiyo doorasho qof iyo Cod(One man one Vote).

Waxan canbaaraynaya Qaraxi lala beegsaday Gudoomiyeyaasha Gobolka Banadir. Ilahay naxariistii Jano ha kawaraabiyo intii kudhimatay, samir iyo iimaana ilahay ha ka siiyo eheladii ay katageen.

Thomas Stephen o ah bare dhiga Jaamacada Newyork cilmi nafsiga. Mar uu sharaxayay dabeecadaha iyo hab dhaqanka xayawaanka wuxuu yiri." The animal kingdom, the rule is, eat or be eaten." (Sharciga xayawaanku wa in xayawaanku wax cuno ama in isaga lacuno). Maalin walba dalka waxaa ladilaa hal doorka, aqoonyahanka, iyo shacab aan waxba galabsan. ka hordag, kadabo dag iyo isla xisaabtana lama sameeyo. Dowlada Dederalka awoodeedi waxy noqotay TACSIYEEN.. waxaa jooga Casimada Muqdisho ciidan kabadan 30kun oo askeri oo Amisona iyo tiro kaloo kabadan o cidankii dowlada ah. Madaxda dowladuna bil walba waxay xaflado u qabtaan askar tababar u dhamaaday, sidaa darteed amnigu waa ka sii xumaanaya. Ma is weediisay meesha ay wax kaqaldanyihiin??? Meesha wax ka qaldanyihin waa hogaan xumada madaxda Federalka. Boqorkii giriiga Alexander the Great, mar uu kahadlayay hogaanga wanaagsan (Good leadership) wuxuu yiri "Koox ido ah u hogaaminayo libaax waxay katayo badan yihiin kana xoog badanyihiin koox libaaxyo ah uu hogaaminayo Wan". Si kastaba ha ahaatee, Hogaanku waa tiir dhexaadka dowlada, wadan walba xiliga adag waxaa kasaara waa Hogaamiye leh aragti fog, garankara hayaanka dalka uu kujiro meeshuu kayimid iyo meeshu usocdo.
Dastuurku waa heshiis Bulsho sharcina ah. Wuxu si cad u qeexaya Somaliya in ay tahay Dowlad Federal ah. Caalamkuna way aqoonsanyihiin wayna ku ixtiraamaan. Waxaa muuqata wasiirku in uusan ixtiraamin Dastuurka, islamarkaana uusan fahmid dhaartii u ku dhaarty in uu ilaalinayo, xaqdhoorayana, kuna dhaqmayo Dastuurka Dowlada Federalka, Somaliyana tahay Dowlad Federaala taas oo ka koobaan Maamul Gaboleedyo. Waxaa ayaandaro ah shaqsiyaad aan aaminsanayn nidaamka ay ku dhaarteen in ay ilaalinayaan kuna shaqeenayaan in ay hortaagan yihiin shacabka Somaliyeed rabana in ay waqti kale ka dhumiyaan