Saturday, April 22, 2023

YAA MAAMULA SIYAASADDA SOMALIYA?

SIYAASADDA JUQARAAFI E GEESKA AFRIKA(GEOPOLITICS OF THE HORN OF AFRICA). CASHARKII SADEXAAD. YAA MAAMULA SIYAASADDA SOMALIYA? ≈≈≈≈≈≈≈≈=≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈ 
Si loo falanqeeyo cidda maamusha siyaasadda Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in si qoto dheer loo fahmo siyaasadda qalafsan ee ka jirta Geeska Afrika. Nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya, Hardanka danaha wadamada dibadda iyo gudaha saameynta ku leh xasilloonida siyaasadeed ee dalka. Qormadan ujeeddadeedu waxa weeye inan ku iftiimiyo hal-doorka siyaasadda(Political players) iyo cida gacanta ku haysa maamulida siyaasadda dalka. JILAYAASHA GUDDAHA(Internal actors). Ugu horrayn, Dowladda Federaalka oo la dhisay sanadki 2012-kii, waxay matalaysaa maamulka dhexe, waana dalada sare dalka. Dowladda oo ay madax ka yihiin Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, dowladdu waxay ku shaqeysaa nidaamka baarlamaanka federaalka. caqabadaha u waawayn e haysta wa hay’addaha dowliga ah oo daciif ah iyo dhaqaale la’aan. Dowladu waxay wajahda dagaalo siyaasadeed oo ay ku dooneyso inay heshiis la,aan kula wareegto, awoodaha maamuladda. si ay saamayn wayn uugu yeelato dalka. Si kastaba ha ahaatee, gacan ku haynteeda siyaasada dalka oo dhan way xadidan tahay, maadaama dowlad goboleedyadda ay heystaan ​​madax-bannaani weyn. Tan labaad, dowlad goboleedyada ayaa door muhiim ah ku leh gacan kuhaynta awoodda siyaasadda Soomaaliya. Dalku wuxuu u qaybsan yahay shan dawlad-goboleed oo federaal ah: Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Maamul goboleedyadan ayaa leh dowlado u gaar ah iyo ciidamo suga ammaanka, kuwaas oo maamula deegaanada ay ka taliyaan. Xiriirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa inta badan waxaa ka dhasha xiisado iyo khilaafaad dhanka awoodda ah. Siyaasadda Qabiilka: Nidaamka qabaliga bay ku dhisantahay dowladnimadda Somaliya, kaas o ku dhex milmay bulshada, wuxuuna si weyn u saameeyaa gacan kuhaynta siyaasadda. Siyaasiinta Qabiilada saamanta ku leh dowlada, waxay soo dhisaan madaxda federalka iyago ku shaqaysanaya awood dillaalnimo(a power broker), taas o xoojin karta ama wiiqi karta dawladda federaalka. Sidoo kale, kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab, baa saameen ku leh awooda dalka, maadaama ay kataliyaan qaybo badan konfurta somaliya. Al-Shabaab, si firfircoon waxay ula dagaalanta dowladda Federaalka iyo ciidamada Midowga Afrika iyadoo hadafkeedu yahay, nidaam ka dowladliga ah in lagu badalo waxay uugu yeeraan dowlad islaami ah. Dagaaladda joogtada ah ee Al-Shabaab ayaa saameyn weyn ku leh xasiloonida amniga iyo siyaasadda dalka. JILAYAASHA DIBADDA/BEESHA CAALAMKA(External actors). Jilayaasha caalamiga ah, sida Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dalal kala duwan oo reer galbeed ah ayaa iyaguna saameyn ku leh gacan kuhaynta siyaasadda Soomaaliya. Waxay dawladda siiyaan taageero dhaqaale, mid ciidan iyo qalab. Midowga Afrika waxa uu door muhiim ah ku leeyahay siyaasadda dalka isaga oo u maraya howlgalka nabad ilaalinta AMISOM. Tan iyo markii la howlgaliyay 2007, AMISOM waxa ay muhiim u ahayd in dowladda Soomaaliya ka taageerto dib u soo celinta xasiloonida koofurta somaliya. Itoobiya iyo Kenya: Maadaama ay daris dhow layihiin somaliya, labaduba waxay dano gaar ah ka leeyihiin siyaasadda Soomaaliya. Waxay geeyeen ciidamo AMISOM ah oo ay ku fushadaan danahooda istaraatiijiga ah ee gobolka dhexdiisa. Iyadoo saameyntooda siyaasadda Soomaaliya ay tahay mid muuqata, faragelina ku hayaan arrimaha gudaha. Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay Soomaaliya ku taaku leeyaan taageero maaliyadeed, mid ciidan iyo mid bini'aadantinimo. Ka-qaybgalkoodu waxa uu ku wajahan yahay xoojinta awoodda dawladda Soomaaliya iyo taageeridda qorshayaasha ka hortagga argagixisada. Si kastaba ha ahaatee, saameyntooda inta badan waxaa loo sii maraa Madaxda maamul goboleedyada, dowladaha deriska ah iyo ururada caalamiga ah. Dowladaha Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa banaanka keenay, korna uqaaday danaha siyaasadeed ay ka leeyihiin somalia. Waxay taageero dhaqaale siiyaan dhinacyo kala duwan, taasoo inta badan sii xoojisa khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Loolanka ay ugu jiraan saamaynta Geeska Afrika waxa ku soo kordhiyeen xasilooni daro siyaasadeed. Gabagabodi Siyaasadda Soomaaliya waxa gacanta kuhaya, maamulana garabyo kala duwan, lehna dano is kahorjeeda sida, Beesha caalamka, Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada, qabaa’ilka, iyo Al-Shabaab. Hardanka danaha jilayaasha siyaasada(political actors) ka ayaa abuura loolan awoodeed iyo xasilooni darada dalka. � Waxa Qoray: Said Noor Email:Saidnoor571@gmail.com

No comments:

Post a Comment