Saturday, January 16, 2016

Hiigsiga 2016


4.5 mise Degaan? waxaa ka jira ismariwaa la xiriira habka lagu soo xulayo xildhibaanada barlamaanka ee hiigsiga 2016, iyadoo labo loo kala jabay.madaxdii shirka wada tashiga kaqeybgashay, qaar ka mida madaxda Soomaalida waxay kudoodayaan in habka ku salaysan 4.5ta ay haboontahay in lagu soo xulo xildhibaanada sanadka 2016. Madax kalena waxay aaminsanyihiin 4.5ta in uu cadaalad daro yahay. waqdigisiina dhamaaday loona baahanyahay nidaamka deegaanka in latijaabiyo laguna sooxulo xildhibaanada doorashada 2016 si loogu gudbo one man one vote./shaqsi iyo codkiis.
Hab qaybsiga 4.5 mayahay Cadaalad? Xeeldheerayaasha ka falanqooda arimaha Somaliya waxay kudoodayaan nidaamka 4.5 in uu yahay nidaam qabaliya halbeegiisuna yahay eex,cadaalad daro. Waxaana weeye masiibada ugu xun o kuhabsatay qaranimadii Somaliyeed. 4.5 ku waxa uu utaaganyahay,
- Waa nidaam kusaleesan cadaalad daro iyo faquuq qabaailada somaliyeed qeyb kamida.
- Waa nidaam lid ku ah xadaarada biniaadamka iyo sharciga dowladnimo.

- Waa nidaamka mooshinada lagu burburiyo dowladnimada.
- Waa nidaam hantida umada lagu boobo.
- Waa nidaam lid ku ah horumarka, midnimada iyo qaranimada Somaliyeed.
Hadaba nidaamka degaanku maxaa halbeeg u ah? Xildhibaanada in degaan laga soo doorto waa nidaam democradiyeed wuxuuna astaan uyahay dowladnimada wuxuuna diidaa cadaalad daro musuqmasuqa iyo kutakrifal hanti dadweyne. Nidaam ka doorasho degaan wuxuu utaaganyahay.
- Xildhibaan degaankiisu ay doorteen aqoon gaarana u leh degmada uu wakiil ka kayahay.
- Xildhibaan yaqaan cida uu wakiil ka kayahay oo laxisaabtan ta.
- Xildhibaan daacad u ah qaranka Somaliyeed oo aan laiibsankarin.
- Xildhibaan fahansan oo yaqaan dastuurka dalka iyo xeer hoosaadyadiisa.
Hadlka waxaan kusooxoorinaya xiligaan lajoogo mahaboona in dib loosoceliyo 4.5 waa dulmi, xaqdaro oo aan meelna aduunka ka jirin ku dhaqankiisu. Waxaana uugu baaqaya in ay madaxdu tanaasul iyo dabacsanaan muujiyaan. xildhibaanadana lagu soo xulo heer degmo ama heer gobol.
Clip ka hoose daawo.

Fikir kaagu waa muhiim.

No comments:

Post a Comment