Maanta caalamka waxaa jira dadyow ku caan baxay ka hadalka dadka hortiisa oo la kala wariyo ereyadooda ama ha noqdaan kuwo laga yaqaan bulshadooda ama ha noqdaan kuwo gaarey heer caalamka oo dhan laga yaqaan. Waxaa hadaba isweydiin mudan majirtaa baahi uu qofku u qabi karo kartida fagaare kahadalka ama codkarnimo da? Jawaabtu waa haa kartida fagaare ka hadalka waa muhiim in labarto mana aha oo kaliya xirfad qofku ku dhasho. waxaa suurowda in lagaa gardaranyahay oo taasi kugu kalifto inaad afkaaga isku difaacdo sida ka hadalka maxkamadaha hortooda waana fagaare, waxaa dhici karta in aad adigu gaar ahaantaa hayso macluumaad ay bulshadu u baahan tahay inaad ugu gudbiso fagaareyaasha hortooda sida Aqoon isweydaarsi, Waraysi gaara, Dood cilmiyeed, Shirar caalamiya iyo kuwo gaara ba, waana fagaare kahadal. Sababahaan iyo kuwo kale oo badan waxay ku tusayaan inay jirto baahida weyn ee shaqsigu u qabi karo kahadalka fagaarayaasha.
Maxay Tahay Codkarnimadu? Codkarnimada waxaa lagu tilmaamey "awood ama qudro ruuxa codkarka ah ku abuuran oo u suurto galineysa in uu dadka waxa saxda ah u tusiyo iney sax yihiin ama waxa qaldan iney toosan yihiin. Hadaba awoodan ma waxaan ku tilmaami karnaa geesinimada qofku u leeyahay hor istaaga dadka mise ereyada uu isticmaalayo balaaqo dheeridooda mise shayga uu ka hadlayo iyo ahmiyadiisa?. Tan hore geesinimada hor istaagga dadka waxaa cad in dad badan oo dadka hor istaagi karaa aysan waxba ka dhaadhicin karin ama aan la fahminba. Tan labaad ereyada qofku isticmaalayo iyana waxaa cad in dad badan oo isku aaddin kara hadalkooda ama wax yaqaan aysan karti u lahayn soo joogsiga dadwaynaha hortooda, sidoo kale waxaa dhacda in la arko nin gabyaa ah oo hadana hadalka caadiga ah aan isku toosin karin.Tan saddexaad ahmiyadda shayga laga hadlayo, waxaa sidoo kale cad qofkii ka hadla wax aan faa'iido ku jirin oo aan loo baahnayn dadwaynuhu uma aqoonsana codkarnimo iyo wax xikmada midna. Marka hadaan ogaannay inaan saddexdaan arrimood midkoodna gaarkii u noqon karin xigmad ama codkarnimo waxaa inoo caddaanaysa in codkarnimadu ka kooban tahay saddexdan arrimood oo wada jira.
Ma jirtaa si lagu kasban karo codkarnimada? haa weyjiraan, marka kowaad waxaa muhiim ah in aad maskaxda kuhayso danta hadalka lagaleeyahay oo ah, 1) In dadwaynaha loo gudbiyo farriimaha la doonayo markaas in loo gudbiyo. 2) In dadwaynaha aqbal iyo taageero looga helo ujeedada farriintu xambaarsantahay 3) In dadka farriinta loogu gudbiyo hab ama qaab ay jeclaysanayaan oo caqliyaddooda waafaqsan. Hadaba mar haddii danta hadalba sedexdaas uqeybsanto waa hubaal in uu hirgalinkaro qof aan isagu codkarnimo abuuris ah lahayn. Tan labaad Dadwaynaha dhagaystayaashu waxay isugu jiraan saddex qaybood: 1) Qaar qaymeeya kaliya qofka hadlaya iyo muuqaalkiisa magaciisa iyo waxa la mid ka ah. 2) Qaar qaymeeya kaliya ereyada uu adeegsanayo oo luuqadda dhadhansada oo hadii ay deeqi waayaan hadalku uu san ka dhaacayn ama aan fahmayn. 3) Dad u fiirsada xigmadda fariintu xambaarsan tahay oo xataa haddii qofku caddayn waayo iyagu maskaxdooda ka dhamays tirta. Qofka fagaaraha ka hadlaya, waxaa laga rabaa inuu arrimahaan oo dhan aad u qiimeeyo. Hadaba qofkii raba in uu noqdo codkar waa in uu iska ilaali 3 arimood. Tan koowaad isla-waynida, istusnimada. Tan labaad, dadka marna ha hor iman adiga oo daallan, fakarsan, hurdaysan, labis xun, shanlaysneyn. Tan sedexaad, kataxadar iska ilaali hadalkaaga sidaad u bilaabayso ama u dhamaystireyso, sidoo kale iska ilaali erey qalafsan ama xun, kaftan badan, qosol badan, iyo erey walba oo dadku si sirgaxan u qaadan karaan. Tan afraad, iska ilaali ka hadalka wax aadan aqoon u lahayn, ama aadan soo diyaarsan halkii daqiiqo oo aad dad hor istaageyso waxay kaaga baahan tahay ugu yaraan sodon daqiiqo oo la soo diyaariyo. isku day hadalkaagu inuu koobnaado, qodobaysnaado, cilmiyeysnaado, isku day inaad is weydiiso kana jawaabto wixii su'aalo ah oo dhagaystayaashu isweydiin karaan. Arrimahaan markuu qofku dhaqan galiyo waxaa muuqata inuu samayn karo codkarnimo.
Khataraha ku iman kara qofka. Ugu dambeyntii waxaa kugu iman kara khataro badan oo sababi kara fashilaad ku timaada gudbin taada. Si aad uga badbaaddo u fiirso hadalkaan: In aadan aqoon u lahayn dhaqanka dadka aad la hadlayso waxay keeni kartaa in hadalkaaga si aadan ula jeedin loo fahmo. In aadan miisaamin munaasabadda aad ka hadlayso waxa ay tahay waxay keeni kartaa ismaan-dhaaf adiga iyo dadwaynaha idin dhex yimaada.
Inaad aad ugu fakarto walaaca ama cabsida aad dareemeyso- waxaa jira cabsi qof waliba dareemo markuu dadka hor istaagayo- marka adigu xoogga saar macluumaadka aad wadato, cabsidu waxay keeni kartaa fashil iyo illow sho badan. Sidoo kale waa laga qumman yahay inaad hadalka boobto. Inaad weerarto caadifadda dadka, sababahaan oo dhan waxay keeni karaan fashil.
Masha allaha waad maxadsantahay mudane guuleyso
ReplyDeleteCudarka dhaliyarada maanta baabiciyay waa cabsida waxaad arkeysa qofk isagoo codkar ah hadana masraxyada kaxadli Karin
ReplyDeletem.a puplic speaking oo ad u fcn
ReplyDeleteLkn zxb xogaa fahfahin naga sii qofka qofka carab gajanimada