Saturday, January 16, 2016

Rabshadaha Ethiopia

Qalalaasaha Eithiopia, Somalia dan ma uugu jidhaa? Ethiopia waa wadan kuyaala bariga Africa, derisna la,ah Somali. Dadka kunool waxaa lagu qiyaasaa 90 milion. dalkana wuxuu u qeysanyahay sagaal maamul goboleed. Dadka ethiopian ka waxay u kaladeganyihiin sagaal qoomiyadood, sida. Tigrey, Afar, Amhara, Benishangul, Gambala, Harari, Oromia, Somali iyo Southern nations. qoomiyadahaas kor kuxusan mid walba waxay leedahay maamul goboleed u gaara, iyo madaxweyne waxayna hoos tagaan dowlada federalka e Eithopia. Sidaas darteed maalmahan kacdoon rabshado wata oo dowlada looga soohorjeedo ayaa ka bilowday caasimada Adisaba iyo nawaaxigeeda waxayna sababeen qasaaro isugu jira naf, maal, burbur iyo barakac.
Tigranya People’s Liberation (TPLF) waa xisbiga talada haya oo Mudo 20 sano kabadan dalka xukumaayay wuxuu dalka ka geysatay tacadiyo isugu jira handadaad iyo cabsi gelin, jirdil, afduub,xabsi dhigid, shirqoolo, xasuuq oo lala beegsanayo qoomiyado iyo shaqsiyaad aanan waxba galabsan.Sidaas darteed aad bay usaraysa filashada in ay Ethiopia u qeybsami doonto qomiyado. waxaana loosababeenayaa burburka Tegrey ga qodobadaan sosocda. 
100 xisbi siyaasadeed oo anan dawlada kadiiwaan gareynayn baa ka jira Ethiopia gudeheeda in kabadan 40 xisbi wey hubeesanyihiin waxayna matalaan qoomiyadaha ey kasoo jeedaan. 
Qoomiyada Tekrey oo boqolkiiba 6% ka ah dadka ethiopia ka oo isku balaarisay jagooyinka sarsare ee dowlada, lana wareegtay dhaqaalihii wadanka, siyaasadii,ciidankii iyo arimaha bulshada. nadaamkan oo ay horay uugu fashilmeen wadamada ay kamidyihiin Rwanda iyo Yugoslavia natiijadiisuna kudanbeeyay xasuuq iyo dagaal sokeeye. Dowlada Tegrey ga oo qoomiyado badan xasuuq u gaystay sida, qoomiyada Amhara,Gamballa and Ogaden people. Waxa intaas sii dheer, hey’ada cilmi baarista ee Fund for Peace (FFP) ayaa digniin ka muujisay Ethiopia in ay qarka usaarantahay kamid ahaanshaha wadamada loo yaqaan Failed States/Fragile states (wadamada ku fashilmay xal u helida nabad soocelinta dalkooda) oo ay kamidyihiin Southern Sudan, Somalia, iyo Syria. xeeldheerayaal ku takhaqusay arimaha bariga Afrika ayaa walaac kamuujiyay deganaansho la,aanta Ethiopia, waayo rabshado kadhaca dalkaas waxay 10 jeer ka khatar badantahay kuwa kadhacay Somalia, sababtoo ah 90 million oo kasoo jeeda qoomiyado kaladuwan haystana diimo kala jaada waxay saameen weyn kuyeelankaraan deganaansho la,aanta bariga Africa. Waxaana laga cabsiqabaa in ay kusoo dhexdhuuntaa ururo argagixiso sida Alshabaab iyo boko xaaram ta Negeria.

Waa maxay danta Somalia uugu jira faaido mise khasaaro kala gogo, a Ethiopia? Dad badan waxy aaminsanyihiin, Ethiopia in ay Carqalad kutahay Somalia in ay hesho dowlad taabogasha, Waxa marag madoonto ah in ay Ethiopia ka leedahay dano siyaasadeed somalia kuna
lugleedahey arimaha somaliya si toosa iyo si dadban ba. dhinaca kale dadka qaar baa ku doodaya dowlada Ethiopia oo meesha kabaxda in ay uuga sii daridoonto somalia heer ay hada taagantahay, waxayna sababi doonta burbur iyo ururo argagixiso oo wadanka lawareega. sikastaba ha ahaate dadka u dhuundaloola arimaha bariga Africa waxay aaminsanyihiin Somali dani inaysan uugu jirin xasilooni darada Ethipia, xiligaan lajoogana ma muuqato awood Somalidu is kaga caabinkaro 90 milion oo isugu jira qaxooti iyo jamhado hubeesan oo dalka ku soo qulqula.

No comments:

Post a Comment